Ciidanka Booliska Puntland oo soo bandhigay Khamri iyo Kooxihii watay+VIDEO

Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa kusoo bandhigay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland Khamri, Xashiish, toorayo iyo agab kale oo ay adeegsadaan dhalinyarada kooxaha u abaabulan ee dhaca iyo furashada ka gaysta gudaha magaalada.

Taliyaha Qeybta Booliska Nugaal G/Dhexe Muumin Cabdi Shire, ayaa sheegay in hawlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha Garoowe ay ku soo qabteen dhalinyaro kooxo u abaabulan oo dhibaato dhac iyo furasho u gaysta dadka shacab ah, kuwaasi oo inta badan adeegsada maandooriyaal halis ah sida khamriga iyo Xashiishka.

Sidoo kale, G/dhexe Muumin Madaxweyne sheegay in Maandoriyaashan dhalinyaro keliya lagu soo qaban, balse waxa jira dad kale ka ganacsada khamriga iyo xashiishka iyo qaar isticmaala oo si dhuumasho ah gudaha magaalada ku soo geliya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading