Ciidanka Burundi oo qeybta ugu badan ka helaya Lacag Trump ugu deeqay AMISOM (Warbixin)

Ciidamada Burundi ee ku jira Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa noqday qeybta ugu badan ee ka faa’idi doonta lacag farabadan oo uu Donald Trump u qoondeeyay Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya.

Wargeyska Indian Newsletter, ayaa sheegay in Ciidamada Burundi ay heli doonaan $25Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Waxaa sidoo kale lacaga Trump u qoondeeyay AMISOM sanadkan ka faa’idaya dalka Uganda oo isna Ciidankiisa Soomaaliya jooga aysan mushaar qaadan tan iyo January 2019ka.

Sida Wargeysku sheegay lacagaha kale ee Trump ugu deeqay Midowga Afrika waxaa lagu bixin doonaa halka uu Trump doorto waxaana ka mid ah Howlgalka Saxaraha galbeed ee loo soo gaabiyo G5.

Midowga Yurub ayaa sanadkii 2016kii jaray 20% Dhaqaalihii ay ku bixin jireen howlgalka AMISOM ee Soomaaliya taas oo caqabad ku noqotay howlaha AMISOM ee Soomaaliya.

Sanadkii hore Midowga Afrika ayaa Soomaaliya gaar ahaanna Degaanada Maamulka Hirshabeelle ka saaray 1,000 Askari oo ka mid ahaa Ciidanka Burundi ee Shabeellaha dhexe.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading