Ciidanka Daraawiish-ta Puntland oo lagu eedeeyay amaan-darada Gaalkacyo+VIDEO

Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Mudug Jaamac Maxamed Axmed (Jaamac Sandaqad), ayaa ku eedeeyay ciidanka daraawiish-ta Dowladda Puntland falalka amaan-darro ee ka dhaca Magaalada Gaalkacyo.

Taliye Jaamac Sandaqad ayaa sheegay in ciidanka Daraawiish-tu ay u awood sheegteen ciidanka Booliska, ayna iyagu soo galiyaan magaalada Gaalkacyo khamrida iyo waxyaabaha kale ee maandooriyayaasha ah.

Sidoo kale, Waxaa uu sheegay in ciidanka daraawiish-tu ay dhawaan weerar ku qaadeen Maxkamadda Gobalka Mudug xilli ay socotay Maxkamadeyn eedeysanayaal lagu qabtay iyagoo magaalada soo galinaya khamri.

https://www.youtube.com/watch?v=n2OJnD1D98A

Dhanka kale, Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Mudug Jaamac Maxamed Axmed (Jaamac Sandaqad), ayaa sheegay inay buuxaan xabsiyadda Magaalada Gaalkacyo, iyadoona ciidanka boolisku ay wadaan howlgallo lagu beegsanayo dadka ka qeyb-qaata ammaan darada Magaalada Gaalkacyo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading