Ciidanka DDS oo qabtay hub fara-badan oo la galinayay Itoobiya

Ciidanka xooga Gaarka ah ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa kantaroolka Magaalo-qaran oo kamid ah degaannada Dowlad degaanka ku qabtay hub sharci darro ah.

Hubka ayaa saraakiil ka tirsan Ciidamada dowlad deganka ay sheegeen in lagu waday gaari, waxaana la socda rasaas farabadan oo jawaano lagu shubay, kuwaas oo la doonayay in la geliyo halka lagu Magacaabo Magaalo-qaran

Sidoo kale saraakiisha Ciidamada dowlad degaanka waxaa ay sheegeen inay Ciidamada markasta heegan ugu jiraan ka hortaga waxyaabaha halis galinaya bulshada & amniga.

Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidamada dowlad degaanka ay sidaan oo kale gacanta ugu dhigeen hub farabadan, kaas oo ay sheegeen in uu ahaa mid ay isku adeegsanayen qowmiyadaha kala duwan ee dega Itoobiya oo Soomalida kamid tahay.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading