Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa hawlgallo ka sameeyay deegano dhaca Galbeedka degmadda Kismaayo gaar ahaan tuuloyinka Beerxaani iyo dhulka fog ee miyaga.
Deeganadan masaafo dhan 90 Km ayeey Kismaayo u jiraan.
Goob walba oo ay ciidanka shalay ilaa xalay gaaren waxaa iskaga cararay kooxda argagixisadda Al-Shabaab.
Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonla Jubbaland Khaalid Shiikh Cabdullaahi ayaa shacabka deeganadaas kula hadlay fagaaro waxaa u gudbiyay fariinta dowlad nimada isagoo u sheegay in ciidanka Jubbaland ay halkan u soo gaareen xaqiijinta nabad galyada shacabka.








Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.