Ciidanka Dowladda oo sheegay inay ka dileen Al-Shabaab 300 dagaalame

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay dileen 300 oo dagaal yahan oo katirsan Al Shabaab.

Dagaalyahanadan ayay sheegtey dowladdu iney ku dishay hawl galada culus ee ay beryahan ka wadey furimo kala duwan.

Warbaahinta dowladda, ayaa baahisay in ciidamadoodu ay kala dhantaalen saldhig ay leeyihiin Alshabaab, kaasoo u qaabilsanaa dhanka saadka.

Dhawaanahan ayey dowladdu waxey ka wadey hawlgallo balaaran qeybo kamid ah gobolada, hawlgaladan ayey ka fulisay bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Dowladda waxey intaa ku dartey in ciidamadu ay burburiyeen keyd cunto oo ku yaalla degmada Maxaas, oo dhacda bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamadu waxey la wareegeen bakhaar ku yaalla tuulada War Ciise oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee Koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ay Al Shabaab u isticmaali jireen keydinta hubka iyo shidaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading