Ciidanka Haramcad oo gadood ka sameeyay Jowhar, dalabna u gudbiyay DFS

Ciidammada Haramcad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gadood ka sameeyay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabelle, oo la geeyay intii ay socotay Doorashadii Cali Guudlaawe.

Ciidanka gadoodka sameeyay oo gaaraya illaa 50 Askari ayaa xirtay waddooyinka halbowlaha ah ee magaalada Jowhar, iyagoo gaadiidka ku amrayay inay kala wareegaan.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidankan uu ka go’ay saadkii, ayna dalbanayaan in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading