Cutub kamid ah ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya kuwaas oo hordhac u ah Wafdiga Madaxweynaha oo ku wajahan halkaa.
Ciidammadan ayaa ka qeyb-qaadan doona Amniga Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho, oo kulamo kula yeelan doono Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Safiirada Beesha caalamka.
Maalmo kahor waxaa Magaalada Muqdisho gaaray Ciidanka Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo isaguna maanta tagaya Muqdisho.










Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.