Ciidanka Kenya oo lasoo dhoobay Xadka Soomaaliya & Ujeedada ka dambeysa

Dowladda Kenya ayaa Ciidamo farabadan waxaa ay soo dhoobtay Xadka ay a wadaagto Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamada Militariga Kenya oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa lagu arkay, iyaga oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada xaduudka dhinaca degmada Ceelwaaq,isla markaana dadka ay cabsi dareemeen.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeeysa in Kenya ay Ciidamo horleh soo dhoobto xadka dhinaca Gobolka Gedo ay kala wadaagto Soomaaliya, hayeeshee warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan inay taageerayaan  Madaxweyne Kuxigeenka 1-aad Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan,kaas oo la sheegay in loo diiday in uu galo magaalooyinka qaar ee Gobolka Gedo.

Madaxweyne Kuxigeenka 1-aad Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan  oo maalmahaan ku sugan Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa dhawaan sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibaato ka wado Gobolka Gedo, isla markaana ay adeegsaneyso Ciidamo Itoobiyaan ah.

Deegaano katirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa laga dareemayaa loolan adag oo u dhaxeeya Kenya iyo Itoobiya oo kala taageeraya Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubaland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading