Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Dowladda Puntland ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga ka sameeyay magaalooyinka Balli-busle, Jariiban iyo Garacad ee Gobalka Mudug.
Ciidammada PSF-ta Puntland ayaa kulamo la yeeshay Maamulka, Waxgaradka iyo Bulshada Magaalooyinkaas, iyagoona ku dhiirrigeliyay adkaynta amniga iyo gacansiinta ciidammada Amniga Dowladda Puntland.
Sidoo kale, Ciidanka PSF-ta ayaa daawooyin kala duwan gaarsiiyeen xarumaha caafimaadka ee magaalooyinka Balli-busle, Jariiban iyo Garacad, si loogu dabiibo Bulshada ku xiran Isbitaaladaas.




Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.