Ciidanka Puntland oo albaabada u laabay xurumaha Golis ee Gaalkacyo

Laamaha ammaanka Gobalka Mudug ayaa albaabada isugu laabay xarumaha shirkadda Golis ku leedahay Gaalkacyo kadib markii lagu sababeeyay isfaham-waa, wada-shaqeyn,oo ka dhex-maray maamulka Golis qeybta Gaalkacyo iyo guddiga Amniga gobolkaas.

Xubno ka mid ah saraakiisha Amniga ayaa ku eedeeyay shirkadda Golis maamulkeeda Gaalkacyo inuu diidey sidii gacan wanaagsan uga geysan lahaa,kaqeyb qaadashada danta guud ee xagga sugidda nabadgalyadda gaar ahaan inay ka caawiyaan macluumaadka looga soo baahdo,taasina sababtay dacwad ka dhan ah boolisku inuu ka gudbiyo maamulka shirkaddaas u jooga Gobolka Mudug.

Amarkaan oo sida la sheegay u fasaxayay booliska irdaha inay u laabaan xarumaha shirkaddu ku leedahay Gaalkacyo,waxaa lagu hor istaagay kadib markii lasoo dhoobay maleeshiyo lagu eedeeyay inuu soo aruuriyay maamulka shirkadda qeybta Gaalkacyo,waxayna taasi dhalisay buuq sababi gaadhey isku dhac.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading