Ciidanka Puntland oo howlgallo culus ka wada Boosaaso.

Ciidanka amniga Dowladda Puntland ayaa howl-gallo culus ka wada Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Howlgalka oo ah mid lagu beegsanayo Goobo la tuhunsan yahay, ayaa yimid kaddib Qarax miino oo saaka ka dhacay Boosaaso, kaas oo lala beegsaday gaari Ciidan.

Qaraxan oo ka dhacay aaga Hotelka London ee Boosaaso Ayaa lagu dhaawacay Askar ka Tirsan kuwa Dowladda.

Ma jirto waxa war ah oo ku saabsan Qaraxan iyo Howlgalkan ka socda Magaalada oo kasoo baxay Maamulka Gobalka Bari iyo Kan Degmada Boosaaso.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading