Ciidanka Puntland oo howlgallo ka wada buuraleyda Calmiskaad

Ciidammada Amniga Puntland ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ka wada buuraleyda gobalka Bari.

Howlgaladan ayaa ciidammadu si gaar ah uga sameynayaan goobo lagu tuhunsan yahay inay ku dhuumaleysaneyso Argagixisada, oo ku yaala buuraleyda Calmiskaad.

Ma jiro faafin ilaa hada kasoo baxaysa howlgaladan ay wadaan Ciidammada Puntland, waxaana ay kusoo aadayaan xilli dhowaan kooxda Al-Shabaab ay weerar kusoo qaaday saldhigga Ciidammada Puntland ee deegaanka Af-Urur.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading