Ciidanka Booliska Puntland ayaa howlgallo lagu xoojinayo Amniga ka wada magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Ciidanka ayaana baaris ku sameynaya gaadiidka maraya magaalada si looga hortago falal Amni-darro oo ka dhaca Boosaaso inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaanta.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, oo kormeeray Ciidanka howlgalka wada ayaa kula afuray bartamaha Magaalada Boosaaso, waxaana uu ku booriyay inay adkeeyaan Amniga si Shacabka looga ilaaliyo dhagarta Argagixisada.














Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.