Ciidammada PMPF Dowladda Puntland ayaa Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ka wada samata-bixinta iyo daabulka dadka danyarta ee kunool kaamamka Barakacayaasha, kuwaas oo ay saameeyeen roobabka xariir ah 24 saac ka da’ayay Boosaaso.
Dadkan ayaa Ciidammadu dajiyeen goobo ay u diyaariyeen Maamulka Gobalka Bari iyo kan Degmada Boosaaso, waxaana socda dadaalo dadka lagu wada gaarsiinayo waxyaabaha daruuriyaadka ah ee ay u baahan yihiin.
Guddoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Yuusuf Abwaan, oo Saxaafadda kula hadlayay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in roobabka ka da’ay Boosaaso ay ku hanti beeleen 6 kun oo Qoys, isagoona ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo ay gashay Magaalada Boosaaso.







Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.