Ciidanka Puntland oo qabtay Hub fara-badan oo laga dajiyay xeebaha Bari (VIDEO)

Ciidanka Madaxtooyadda Puntland oo howlgallo ka fuliyay xeebaha Gobalka Bari ayaa gacanta ku dhigay Hub, iyo Saanad Ciidan loo waday kooxaha Argagixisada ah ee ku dhuumaleysanaya buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag.

Sidoo kale, Ciidanka Puntland ayaa qabtay maxaabiis lala xariirinayo inay hubkan oo laga keenay dalka Yemen ay soo galinayeen deegaanada Puntland, kuwaas oo haatan ay baaritaan ay Ciidanku ku wadaan.

Ciidanka Amniga Puntland ayaa dagaal adag kula jira kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana marar badan ay gacanta ku dhigeen Hub iyo saanado kale oo loo waday labadan kooxood.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading