Ciidanka Puntland oo Qaraxyo ku qabtay duleedka Boosaaso (Sawirro)

Ciidamada Birmadka Madaxtooyada Dowladda Puntland oo howlgalo ka wada duleedka magaalad Boosaaso, ayaa gacanta kusoo dhigay qeyb ka mid ah Kaydka walxaha qarxa oo leeyihiin dhagar qabayaasha Alshabaab.

Ciidamada oo ku guda jira howlgaladooda joogtada ah, waxay duleedka Boosaaso ka heleen God ay argagixisada alshabaab ku keydsatay walxaha qarxa, Ciidanka geesiyaasha ah waxay qarxiyeen miino aagaasi ku jirtay, kadibna waxay gacanta kusoo dhigeen tiro bamka gacanta laga tuuro ah iyo walxo kale oo qaraxyada laga sameeyo.

Laamaha amniga ayaa uga mahadcelinaya dadka deegaanka iyo shacabka Puntland sida ay ula shaqeynayaan Ciidamada heeganka u taagan iyo ka shaqeynta amniga.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading