Ciidanka Taraafikada Puntland oo loo dhisayo dhisme casri ah

Gaalkacayo-: 4 april 2022: Kusimaha wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Iyo DDR ee Dawladda Puntland Cabdullaahi Cabdisalaan Xassan oo u waheliyo Taliyaha Ciidanka booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi Iyo masuuliyiinta Gobolka Mudug ayaa maanta dhagaxdhigay dhismaha cusub ee ay yeelanayaan Ciidanka ilaalada Wadooyinka Puntland.

Munaasabadda dhagaxdhiga waxaa goob joog ka ahaa Hogaanka ilaalada Wadooyinka Puntalnd,Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug,Gudoomiye ku xigeenada Gobolka,Gudoomiye kuxigeenka Degmada iyo masuuliyiin kale.

Dhismahan habka casriga ah loo dhisayo,ayaa la filayaa in ay ku shaqeeyaan Ciidanka ilaalada Wadooyin,waxuuna door weyn ka qaadan karaa xoojinta Ciidanka Taraafikada ee dayacan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading