Ciidanka TPLF oo gantaalo ku garaacay Bahra-daar

Ciidammada Ismaamulka Tigreega ee TPLF ayaa Gantaalo ku garaacay goor-dhaweyd Magaalada Bahra-daar ee Caasimadda u ah Gobalka Amxaarada, iyadoona mar qura la maqlaya dhawaqa Madaafiicdan oo daqiiqado socotay.

Wararka ayaa sheegaya in gantaaladan ay ku dhaceen Garoonka diyaaradaha Magaalada Bahra-daar, waxaana la arkayaa gaadiidka dab-damiska ah, oo ku sii qulqulaya dhinaca garoonka.

Waa markii saddexaad ee Ciidanka TPLF ay duqeeyaan magaalada Bahra-daar, oo ah halka laga hago howlgalka Ciidammada Dowladda dhexe ay ku qaadeen Deegaanada Ismaamulka Tigreega.

Madaafiicdan ayaa kusoo aadaysa xilli Taliyaha Ciidanka Cirka Itoobiya Jen. Yilma Maddesa, uu dhowaan sheegay inay burburiyeen guud ahaan gantaalada Tigreega.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading