Ciidanka xooga dalka Oo maanta U dabaal dagaya sanadguuradoodii 58aad

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaliya ayaa maanta oo Khamiis ah 12-ka April waxa ay u dabaaldagayaan 58 sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay Ciidamada Xoogga dalka Somaliya.
 
Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa waxaa la aas-aasay sanadkii 1960-kii xilligaasi kadib waxa ay soo mareen marxalado kala duwan oo dhisme iyo bur bur ah intaba.
 
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaa lagu aasaasay ciidan ka kooban 8 horrimood, waxaa lagu magcaabi jiray xiligaasi magaca Cali Boobaaye, ciidankaasi ayaa tiradiisu ahayd 2000 oo Askari, waxaa laga kala qoray 6 gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee Gumeystihii Talyaaniga gumeysan jiray.
 
Xarunta Wasaaradda Difaaca Somaliya ayaa lagu qabanayaa munaasabada ku aadan u dabaaldaga ciidamada Xoogga dalka Somaliya 58-sanada ka soo wareegatay aas-aaskooda.
 
Madaxda dowladda Federalka Somalia ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qayb galaan munaasabada Ciidamada maanta loo dhigaayo

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading