Ciidankii PISF oo la xiray Taliskoodii laguna daray Ciidanka Badda PL

Waxaa laga xareeyay Ciidamadii uu Talyaha u ahaa ee PISF.

Sidoo kale,waxaa la xiray Xaruntii Taliska u ahayd.

Sababta keentay in la xareeyo Ciidamada lana xiro Taliskoodii,ayaa xoguhu waxay xaqiijinayaan…

1.Hogaan xumo iyo masuuliyad darri ka timid Talyaha.

2.Tirada iyo xogta Ciidanka oo uu ka been sheegay hogaanka.

3.Xogo khaldan iyo xil gudasho xumo hogaanka Ciidanka lagu helay.

Haatan Ciidankii PISF oo gaaraya 160-Askari iyo Gaadiidkoodii,ayaa si rasmi ah loogu daray Ciidanka Badda Puntland.

Talyihii Ciidamada Aamiin Xaaji Khayr lagama qaadin xilka lamana baabi’in Magacii Ciidanka PISF.

Ciidamada PISF oo la Aasaasay isku dhicii Talyaha PSF iyo Madaxtooyada Puntland kadib,ayaa ahaa Ciidan tababar fiican la siiyay gaarayayna 600-Askari,kuna hawlgelayay in ka badan 40-Gawaarida dagaalka ah.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading