Cirro oo ku dhawaaqay in uu dhamaystirayo heshiiskii Itoobiya Ee MOU-ga

MW Cirro si cad,ayuu usheegay in uu dhamaystirayo heshiiskii Itoobiya ee MOU-ga Sanadkan dhamaadkiisa.

Si wanaagsan oo kooban,ayuu uhadlay MW Cirro, kaliya Aftahan buusan ahayn wax badan soo gudbin kara oo gadi kara SL ugana faa’idayn kara fursadan.

Madaxa DP World,ayaaba ka dhiiranaa oo gaday SL kuna tilmaamay Wadan,isla markaana dul istaagay muhiimadeeda.

Waxay u ahayd fursad weyn Cirro,maadaama ay tahay dhaqaaqiisii ugu horeeyay ee Diblomaasiyadeed.

SL,waxay u ahayd fursad kale oo Indhaha iyo Dhagaha caalamka maqleen oo arkeen.

Sidoo kale Maamulada awooda badan ee Somaliya in ay horay usocdaan,waa loo baahan yahay.

Waxaa kaloo sii xoogaysanaya diciifinta Nidaamka Villa Somaliya fadhiya.

Waa khasab in Somalidu dib ukala istaagto,kadibna laga wada xaajoodyo mustaqbal cusub.

Fariintan,waxay ugu danbaysay fariimo Dharbaaxo ku ahaa Xasan oo Todobaadkan gaarayay.

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading