Colaada Saaxa-Maygaag oo go’aamo laga soo saaray

MADAXWEYNE KU-XIGEENKA PUNTLAND OO DAAH-FURAY SHIRKA NABADEYNTA BEELIHII KU DIRIRAY SAAX-MAYGAAG.

Hadhwanaag: 07 January 2022: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa daah-furay shirka nabadaynta iyo dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Saax-maygaag.

Madaxweyne Ku-xigeenka oo hore u iclaamiyey qabashada shirkani ayaa maanta si rasmi ah uga furay degaanka Hadhwanaag, waxaa kasoo qayb-galay dhammaan Isimada qaybta ka ah nabadaynta, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, waxaana laga soo saaray go’aamo gundhig iyo tiir u ah nabadda iyo wada-noolaashaha beelaha walaalaha ah.

Go’aamadaas oo ka kooban afar qodob ayaa kala ah.

1.Xabad joojin rasmiya oo la dhex dhigay beelihii dirirtu dhex martay.

2.kala rarista ciidamadii dirirtu dhex martay.

3.In dowladu la wareegto amniga deegaanka lagu diriray.

4.Dowladu waxay magacaabay gudi kormeera qodobad lagu heshiiyey fulintooda.

5.In cidii jebisa heshiiska lagu ganaaxo 200 oo halaad oo aan wakhti lahayn.

DHAMMAAD.

WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading