Cuba:-Curadkii Fidal Kaastaro Oo gacantiisa isku dilay

Wiilka ugu weyn dadka uu dhalay hoggaamiyihii hore ee dalka Cuba Fidel Castro ayaa geeriyooday isaga oo 68 jir ah.

Wiilkan oo magaciisa rasmiga uu yahay Fidel Ángel Castro Díaz-Balart ayaa la sheegay in uu isaga gacantiisa isku dilay sida ay tabisay warbaahinta dowladda, kadib markii uu lasoo gudboonaaday walwal iyo tiiraanyo.

Wuxuu ahaa seeynisyahan xagga hubka nuyuukleerka ah oo lagu tabobaray midoowgii Soviet-ka.

Waxa uu la taliye xagga seeyniska u ahaa golaha maamula dalkaas, wuxuuna mar noqday madaxweynaha Akadeemiyadda Seyniska Cuba.

Waxa uu sidoo kale mar madax ka noqday barnaamijka nuyuukleerka Cuba.

Aabihiis oo muddo dheer soo xukumayay dalkaas ayaa geeriyooday sanadkii 2016-kii isaga oo 90 jir ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading