Cudur ka dilaacay Xabsiga weyn ee Magaalada Qardho (Daawo)

QARDHO (IDIL NEWS)-Gudomiyaha Gobolka Karkaar iyo Masuuliyin uu horkacayo oo ay kamid yihiin Xafiiska Xuquuqul aadanaha Puntland, Isuduwaha Wasaarada Cadaalada Puntland , Xubno katirsan Wasaarada caafimaadka iyo Garsoorka Gobolka karkaar, ayaa maanta Kormeeray Xabsiga weyn ee Magaalada Qardho

Taliyaha Xabsiga weyn ee Magaalada Qardho Siciid Barre Cali (Siciid Bakaay), ayaa Sheegay in xaalad adag ay ka jirto Xabsiga, Isagoona tilmaamay in uu Gudaha Xabsiga ka dilaacay Cudurka Shuban biyoodka oo soo ritay qaar kamid ah Maxaabiista.

Guddoomiyaha Gobalka Karkaar iyo Masuuliyiintii wehlinaysay ayaa sheegay inay xabsiga ku arkeen Xaalad liidata, Iyagoona ugu baaqay Shacabka iyo Dowladda Puntland in loo istaago sidii wax looga qaban lahaa xaalada ka jirta Xabsiga weyn ee Magaalada Qardho.

Daawo.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading