Cudurka COVID-19 oo dad badan ku dilay Gaalkacyo

Xaalad daran oo ka dhalatay cudurka COVID-19 ayaa ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, sida laga soo xigtay Saraakiisha Caafimaadka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in dad ka badan 20 ruux, ay u geeryoodeen cudurka tan iyo dhamaadkii bishii Maarso, waxaana baaris lagu sameeyay dad ka badan 400 qof, laga helay cudurka illaa 200 qof.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa ugu baaqday Shacabka inay qaataan talaabooyinka la hortaga u ah, iyo Tallaalka, si loo xakameeyo fidista cudurka COVID-19.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading