Culumada ugu waa weyn Somalida oo gaaray Jigjiga

Madaxwayne Mustafe,ayaa qaabillay culimada ugu waaweyn Soomaalida oo ugu horreeyo Shiikh Umal.

Ujeeddada socdaalka culimada ayaa ah ka qayb’qaadashada gurmadka abaaraha, darsida nolosha dadka iyo duunyada ay saamaysay abaartu iyo wacyi-gelinta bulshada. Madaxweynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar ayaana culimada uga xog warramay xaaladda guud ee abaarta Deegaanka.

Sheekh Umal ayaa sheegay in wakhtiyada noocana loo baahanyahay kaalinta culimada, iyaguna ay sii xoojin doonaan baaqoodii ku aadanaa gurmadka abaaraha.Waxa uuna Sheekhu intaasi ku daray in masiibadani lagaga bixi karo baryada Allah SWC iyo iskaashi guud oo la sameeyo.

Culimada ayaa baryihii ugu danbeeyayba waday baaq ku aadan gurmadka abaaraha oo ay u samaynayeen bulshada Deegaanka ee wajahaya abaarta baahsan, waxa ayna bixi doonaan socdaallo ay kusoo xaqiijinayaan xaqiiqada dhabta ah ee nolosha bulshada ay ku haabsatay abaartu.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading