Cumar Filish oo ku dhawaaqay in la ganaaxayo qofkii aan xiran Face Mask (VIDEO)

Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed, oo Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inuu dhaqan galayo gannaax la dul dhigi doono cid walba oo aan xiran Face Maska ama Af xirka goobaha la isku yimaado, si looga hortago faafida COVID-19.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in amarkaas ka dhaqan gelin doonaan goobaha ganacsiga, gaadiidka dadweynaha iyo meelaha bulshada isugu timaado.

Ugu dambeyntii, Guddoomiye Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa faray bulshada Caasimadda inay u dhaga nuglaadaan fariimaha caafimaad iyo wacyigalinta uu wado maamulka gobolka Banaadir ee loogu hortagayo faafitaanka caabuqa COVID-19.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading