Cumar Finish oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii degmada Wadajir

Wareegto kasoo baxday gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Filish ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii degmada Wadajir Mudane C/raxmaan Maxamed Cali.

Wareegtada ayaa sidoo kale waxaa gudoomiyaha cusub ee degmada Wadajir loogu magacaabay Bashiir Maxamed Cali oo walaalo yihiin Guddomiyaha xilka laga qaaday.

Waa markii ugu horeysay ee uu duqa Muqdisho xilka ka qaado guddoomiye isla markaana u magacaabo qof ay walaalo yihiin.

Guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday Cabdiraxmaan Maxamed Cali ayaa ka mid ahaa dhalinyarada xooggaga Wadaniyiinta kuwaasoo qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir guddoomiyaal looga dhigey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading