Cunaqabatayn hor leh oo la saaray hogaamiyaha Xamaas

Faransiiska,ayaa ku dhawaaqay in uu xayiray hantida hogaamiyaha Xamaas Yahya Sinwar, taasoo qeyb ka ah cunaqabateynta cusub.

Sida lagasoo xigtay wareegtada lagu daabacay joornaalka rasmiga ah, lacagaha Sinwar iyo ilaha dhaqaalaha waa la xayiri doonaa lix bilood laga bilaabo 5-ta Disembar.

Ma cadda inta ay le’eg tahay hantida Sinwar ee Faransiiska. Bishii la soo dhaafay, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UK, Lord Cameron ayaa cunaqabateyn ku soo rogay hoggaamiyeyaasha sare ee kooxda Falastiiniyiinta iyo maal-geliyayaasha Xamaas, taasoo ka tarjumaysa tillaabooyin dhowr ah oo la mid ah oo uu qaaday Maraykanka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading