Cunaqabataynta Hubka Ee Somaliya oo Maanta la khafiifinayo

Maanta oo Jimca ah,ayaa la khafiifinayaa Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somaliya mudo ku siman 30-Sano.

Taangiyada,ayaa ku jira Hubka loo fasaxayo Somaliya oo aan horay ugu jirin.

Gudiga ilaalinta Cunaqabataynta Hubka ee QM,ayaa la siin doonaa mudo 6-Bilood ah oo ay sii joogi doonaan Somaliya.

Somaliya,ayaa dalbatay in mudo 90-Cisho gudaheed ah ay si dhamaystiran uga baxaan Wadankeeda Gudiga la socodka Cunaqabataynta Hubka ee QM,waxayna badalkooda codsatay in Wadamo gaar ah kala shaqeeyaan ilaalinta Hubka,balse waa uheli wayday taageero.

Joogista gudaha Somaliya ee Gudigan,waxay ka dhigan tahay in weli Wadanku ku hoos jiro Chapter 7.

Dowladaha Shiinaha iyo Ruushka,ayaa Somaliya ku garabsiiyay khafiifinta Cunaqabataynta.

Maraykanka oo markii hore hor istaagi jiray,ayaa isaguna haatan raba in la khafiifiyo cunaqabataynta.

Go’aanka khafiifinta Hubka,waxaa xigi doona Shir ka dhici doona Maraykanka oo looga sii xaajoon doono arimaha Farsamada.

Afar Wadan oo kaliya ayay Somaliya Hub kasoo iibsan kartaa,kuwaasoo kala ah…

1.Ruushka.
2.Maraykanka.
3.Turkiga.
4.Masar.

Dadka la socda arinkan,ayaa u arka in Hub lasoo geliyo Gacanta Somaliya ay qaadan doonto mudo,waxaana ka horrayn doontaa midaynta Siyaasada Amniga Qaranka oo ay hoos imaanayso habka dhismaha Ciidamada.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading