Curashada Roobabka Gu’ga Goobo ka mid ah Deegaanada Puntland

Iyadoo lagu gudo jiro Xaalad Abaar Daran hadana filashada Hordhaca ah ee Roobabka Gu’ga ayaa ah mid Rajo galin leh.

Sida ka muuqata khariidada Saadasha Satimaanka iyo midda 3 maalmood ka nagu soo fool leh ayaa la filayaa Bilowga Curashada Roobabka Gu’ga meelo kooban oo kamid ah degaanada Puntland.

Xaddiga Roobabka la filan karo ayaa aad u yar; qiyaas ahaanna gaaraya 10 -20 mm. Isla markasna meelaha qaar lagu qabowsan karo.

Meelo kamid ah degmooyinka Buhoodle,Goldogob, Bursaalax,Burtinle iyo Boocame,ayaa la filayaa in Gu’gu ka curto maalmaaha nagu soo Aadan.

Waxaa arrintaan caawa laga dareemaya meelo kaimd ah degmooyinkaas

Waxaa weli sii jiraya Saamaynta Xaalad aad u daran ee abaarta maadaama Roobabka la filayo in bartmaha Ramadaan kawada Curtaan dhamaan degmooyinka Punland

imcpuntland


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading