Cutubyo kamid Ciidammada Puntland oo tababar loo soo xirayo (VIDEO)

Dowladda Puntland ayaa dhowaan tababar u soo xiraysa cutubyo kamid ciidammada Daraawiishta Puntland, kuwaas oo muddo bilo ah uu tababar uga socday Gen. Careys ee deegaanka godad ee Gobalka Mudug.

Cutubyada ciidanka ah oo ah dhalinyaro laga kala keenay deegaanada Puntland, ayaa la siiyay tababar casri, waxaana dhalinyaradan ay u badan yihiin kuwo ka gaaray Waxbarashada heer dugsi sare.

Saraakiil ka socotay Taliska Ciidammada Daraawiishta Puntland oo gaaray deegaanka Godod ayaa kormeeray Ciidammadan, waxaana ay Ammaan iyo bogaadin u jeediyeen Maamulka iyo macilmiinta dugsiga tababarada Gen. Careys.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading