D.Geelle oo dib ugu laabtay Muqdisho una mahadceliyay reer Puntland

Mahadnaq ballaaran naga guddooma Reer Puntland.

Toban maalin oo aan joognay magaalada Garoowe kadib galabta ayaan Muqdisho ku soo laabannay.

Wuxuu noo ahaa safar aan wax badan ka faa’iidnay, waxaan kulamo gooni gooni ah la qaadannay madaxda iyo shacabka Puntland sida Madaxweyaha H.E Said Abdullahi Deni, Madaxweyne ku Xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirro, Xildhibaanno, Odayaasha Dhaqanka, Bulshada Rayidka, Haweenka, Dhallinyarada iyo in ka badan 200 oo qof oo aan gooni gooni u gaari waynay oo habeenkii xalay ahaa kulan su’aalo waydiin ah yeelannay ayaga oo i waydiiyey su’aal kasta oo ku soo dhacday anne aan uga jawaabay si waafi ah oo lagu qancay.

Reer Puntland waxay ii muujiyeen waxaan ka filanaayey oo ah inay doonayaan qof dalka iyo dadka isku hayn kara, maamulkana daadejiya oo hirgeliya Dastuurka Fedaraalka ee Soomaali ku heshiisay. Waxaana u balan qaaday haddii aan madaxtooyada tago inaan noqon doono shakhsigi ay ku taamayeen.

SOMAALIYA LAGU NOOLAAN KARO ayaan higsanaynaa.

Geelle2021


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading