Daacuun ka dilaacay Wadanka Itoobiya kadib Fatahaadii Roobabka

Ugu yaraan 23 Qof,ayaa ku dhintay Daacuun ka dilaacay bulshooyinka ku barakacay fatahaadihii dhawaan ka dhacay Bariga Itoobiya, sida ay sheegtay hay’adda samafalka ee Save the Children.

War qoraal ah oo ay soo saartay Khamiistii hay’adda gargaarka ee fadhigeedu yahay UK,ayaa lagu sheegay in in ka badan 770 xaaladood oo Daacuun ah la xaqiijiyay Laba Toddobaad gudahood Gobolka Somalida, oo ah meesha ugu daran ee ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka xooggan ee aan caadiga ahayn.

Roobabkan ayaa saameeyay 1.5 Milyan oo Qof oo ku nool dalka Itoobiya oo dhan iyadoo tirada lagu qasbay inay guryahooda ka baxaan ay gaareyso 600,000″Ayay sheegtay QM.

10% dadka ay dhibaatadu saameysey,ayaa helay gargaar.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading