Dad ku dhoq Boqol oo lagu xirxiray Adia-ababa

Laamaha ammaanka dalka Itoobiya,ayaa xirxiray Tobannaan Qof, iyadoo lagu wado in magaalada Adis Ababa lagu qabto isu soo baxyo waaweyn oo looga soo horjeedo colaadaha ka dhacaya qaybo ka mid ah dalkaas oo ay soo qabanqaabiyeen u dhaqdhaqaaqayaasha arrimaha bulshada iyo xubno ka tirsan mucaaradka.

War qoraal ah oo ay si wada jir ah u soo saareen laamaha ammaanka iyo waaxda sirdoonka ayaa lagu sheegay in la xirxiray dad gaaraya 97, qof kuwaas oo lagu eedaynayo in ay khalalaase ka abuuri rabeen caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ku eedeyay dadka xabsiyada la dhigay in ay qorsheynayeen in ay fuliyaan weerarro “argagixiso” iyagoo ugu gambanaya dibadbaxyada ay doonayaan in ay halkaa ka sameeyaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading