Dad lagu eedeeyay argagixiso oo lagu dilay Sacuudiga .

Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi waxay sheegeen inay 8 qof oo hubeysan ku dileen Hawlgal ka dhacay Gobalka Al-qatif ee Bariga dalkaasi.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay inuu Hawlgalkaasi ka dhacay Jesiiradda Taruut oo ku taalla meel ka baxsan magaallada Qatif, lana beegsaday koox cusub oo Argagixiso oo halkaas lagu asaasay, waa sida hadalka loo dhigay.

Dableyda la dilay waxaa la sheegay inay qorsheynayeen inay weeraro qorsheysan ku qaadaan Xarumaha Ciiddanka Ammaanka iyo Hay’addo kale.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading