Dadaal lagu badbaadinayo Xiriirka Maraykanka iyo Pakistan Oo socda

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa maanta tagey dalka Pakistan, halkaasi oo wada-hadallo heer sare ah uu kula yeelan doono hogaamiyayaasha dowladda cusub ee dalkaas, xilli xiriirka labada dal uu marayo meeshii u hooseysay.
 
Pompeo ayaa weriyayaasha u sheegay in howlgalkiisa Pakistan looga gol leeyahay in labada dal ay halaan marin ay si wada-jir ah ugu dhaqaaqi karaan, meeshana laga saaro xiriirka xumaaday ee fadhiidka noqday ee labada dal.
 
Pompeo ayaa waxaa socdaalka ku wehliya taliyaha taliska ciidamada Mareykanka General Joseph Dunford, taasi oo hoosta ka xariiqeysa muhiimadda ka hor-tagga argagixisanimada ay ku leedahay socdaalka.
 
Wafdiga Mareykanka ayaa wada-hadallo rasmi ah la yeelan doona wasiirka arrimaha dibedda dalkaas Shah Mehmood Qureshi.
 
Saraakiil,ayaa sheegay in waftiga Mareykanka ay sidoo kale la kulmi doonaan ra’iisul wasaare Imran Khan iyo taliyaha milatariga Mareykanka General Qamar Javed Bajwa.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading