Dadaalo lagu heshiisiinayo Farmaajo iyo Rooble oo mar kale bilowday

Waxaa ka dib uga bilowday magaaladda Muqdisho waan-waan lagu heshiisiinayo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu khilaafkoodu taagnaa.

Dadaaladan ayaa waxaa horkacaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kuwaas oo xalay kulamo is xig-xiga la qaatay Farmaajo iyo Rooble.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews in weli wax natiijo ah aan laga gaarin kulamadan, ayna labada nin isku hayaan cida noqonaysa Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA, maadama ay kala magacaabeen Labo Agaasime.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa soo bilowday kaddib markii Rooble uu Hay’adda NISA ka eryay Fahad Yaasiin oo ahaa maskaxda Farmaajo loona heysto inuu ka dambeeyay dilka Ikraan Tahliil oo aheyd sarkaalad katirsan NISA ayna Nabad-sugida DFS inay afduubteen Al-Shabaab, kaddibna dileen.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading