Maamulka Degmada Gaalkacyo,ayaa dib u dajin toos ah u sameeyay Dadki laga soo barakiciyay Laascaanood 02/10/2021 ee soo gaaray Gaalkacyo.

Dowladda Hoose Degmada Gaalkacyo oo wakiilka ah Dawladda Puntland,ayaa Maanta rartay Dadkaas oo awal dagaana Meel kusii meel-gaar ahayd.

Dadka ayaa waxaa dib u dajin loogu sameeyay Degaanka Jeexdin oo ay iyagu doorteen kadib marki ay ku qanceen.

Waxaana Deeganka jeexdin ee doorteen laga siiyay dhul iyagu ay mulkiyaddiisa leeyihin oo ay uga faaidaysan karaan hadba sida ay rabaan .

Maamulka Degmada Gaalkacyo waxa uu uga Mahad celinaya Jaaliyada rer Gaalkacyo ee iskalaha Canadian Village oo ahayd meesha bil iyo bar ay si ku meel gaar ah u daganaayeen Dadkan laga soo barakaciyay soomaliland intii Maamulka Degmadu uu dib u dajin toos ah u samaynayay .

Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.