Dagaal ka dhacay Degmada Baardheere

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal Xoogan oo Xalay Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab ku dhax maray degmada Baardheere ee Gobalka Gedo.

Xubno katirsan Al-Shabaab ayaa ka dambeeyay Weerarka kuwaa oo dagaal ku qaaday xarun ciidamada xoogga ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana dhax maray labada dhinac dagaal mudo kooban socday.

Wali lama Xaqiijinin Khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee dagaalka uu u dhaxeeyay. Mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Jubbaland oo ku aadan dagaalkii xalay ka dhacay degmada Baardheere.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading