Dagaal markale dhexmaray Beelaha Cumar Maxamuud iyo Bah-Ararsame

Ugu yaraan 5 qof oo dhinacyadii dagaallamayey ka tirsan ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaal saaka barqadii ka qarxay deegaan ka tirsan gobolka Sool.
 
Dagaalka oo ilaa goor dhow oo duhurkii ah ka socday halka lagu magacaabo Xoorre oo u dhow degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa salka ku haya deegaan iyo aano qabiil.
 
Wararku waxay sheegayaan in hub culus oo tikniko ah ay labada dhinac isu adeegsadeen.
 
Khasaaraha dagaalka ka dhashay, kaasoo u dhaxeeya laba beelood, ayey dad goob joogeyaal ahi sheegayaan inuu aad u weyn yahay.
 
Maalmo ka hor ayuu dagaal labada dhinac dhex maray galaaftay nolosha ilaa 10 qof.
 
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maalintii seddexaad u jooga degmada Burtinle sidii loo soo afjari lahaa dagaalka,sidoo kale Madaxweyne Gaas iyo Islaanka Guud ee Mudug Islaan Bashiir Islaan Cabdulle,ayaa diyaariyay dhaqaale xoog leh oo loogu talagalay ku bixinta Mag horay loogu xukumay Beesha Baharar-same ee qaybta ka ah colaadan soo laa-laabatay.
 
Colaadan oo marar badan soo noqnoqotay,ayaa waxaa hoos ka hurinaya maamulka Somaliland iyo kooxda Cali Khaliif sida xogo laysku halayn karo xaqiiq ahaanshahooda ay uxaqiijiin idil News,kuwaasoo ujeedkoodu yahay kala fogaynta Dadkaas dariska ah ee wada dhashay.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading