Dagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab oo socda (Sawirro)

Deegaanka Cada-xaar oo dhanka Koofur kaga beegan deegaanka bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa hadda waxaa ka socanaya dagaal u dhexeeya ciidanka xoogga dalka iyo argagixisada Al-shabaab ka dib markii Qaybta 21aad ee xoogga dalka ay Weerar Qorshaysan ku qaadeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo halkaasi Shacabka ku dhibaataynayey.

Saraakiisha howlgalkaan hogaaminaysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dagaalku ka dambeeyey qorshe la diyaarinayey oo cadawga looga sifeynayo gobolkaas isla markaana la sii wadi doono inta Argagixisada Al-Shabaab laga ciribtirayo dhulka ay joogaan.

Deegaanada Jihada Bari ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab Shacabka ku dhibaataynayeen bilihii la soo dhaafay taas ayaana keentay in Ciidamada Xoogga dalku ay ka jawaabaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading