Ciidamada Dalka Suudaan,ayaa bilaabay weerarro culus oo ka dhan ah Ciidamada ay iska soo hor jeedaan ee RSF, iyagoo bartilmaameedsanaya goobo ka mid ah caasimadda, oo ay lumiyeen 17-Bilood ka hor markii uu bilowday dagaalka.
Ciidamada Dowladda,ayaa duqeymo Cirka ah iyo Madaafiic ku garaacay fariisimaha RSF ee Magaalooyinka Khartoum iyo Baxri.
Goob joogayaal,ayaa kusoo waramaya duqeymo xoogan iyo dagaal culus,iyadoo Ciidamada xooga dalka ay la dagaalamayaan kuwa RSF.
Dagaalkan,ayaa imaanaya,iyadoo lagu wado in hogaamiyaha ciidamada Sudan, Abdel Fattah al Burhan, uu khudbad maanta a jeediyo,Shirka guud ee Qaramada Midoobay ee New York.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.