Dagaalka Daacish kadib iyo Deegaamada laga sifeeyay

Sawiradan,waa Degmada Balidhidhin oo mar looga baqi jiray argagixisada,haatanse laga nadiifiyay iyada iyo Deegaamada hoos yimaada si buuxda.

Dhulka argagixisadu damacday in ay degto,waa mid Hodan ah oo Barwaaqo ah.

Dagaalka kadib Dhulkaas,wuxuu ubaahan yahay Qorshe gaar ah oo iskugu jira mid ilaalin amni ah,adeeg Bulsho iyo mid maalgashi.

Ilaalinta Amniga?

Waa in laga sameeyaa Sadex fariisin Ciidan…..

1.Balidhidhin.
2.Turmasaale.
3.Dhaadaar.
4.Wadada Dhaadaar iyo Bosaso oo la furo.
5.Garoon Diyaaradeed oo KMG ah Dhaadaar.

Maalgashiga?

1. In la sameeyo Mashaariic Dalxiiska ah.
2.In la sameeyo Mashaariic Macdanta ah.
3.In Kaabayaasha Dhaqaalaha la hormariyo.

Adeega Bulshada?

1.In kor loo qaado adeega Bulshada Asaasiga ah.
2.In dib udajin loo sameeyo Dadkii barakacay.
3.In Haweenka Deegaanka gaar loogu sameeyo Mashaariic Noloshooda kor loogu qaadayo.

Danbiilayaal danbe in ay kusoo dhuuntaan Dhulkaas muhiimka ah,waa in laga taxadaraa.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading