Dagaalka Ukrain iyo Ruushka yaa ku khasaaray ama ku faa’iday?

Ukrain way khasaartay?

1.20% Dhulkeeda,waxaa haysta Ruushka.
2.Ku dhawaad Hal Milyan oo Qof,ayaa ka dhintay.
3.Dalkeedii,ayaa burburay.
4.Ma helin Xubinimada Nato.
5.Ma helin Xubinimada Yurub.
7.Dayn fara badana,waa la galiyay.

Raashiya waa Guulaysatay?

Sadex hadaf oo ay ugashay dagaalka,waa heshay,kuwaasoo kala ah….

1. Ukrain oo aan yeelan karin Hubka Niyukleerka.

2. Ukrain oo aan ka mid noqon karin Midowga Yurub.

3.Ukrain oo aan Nato ku biiri karin.

Ruushku,Waxa umuujiyay adkaysi oo kaligii,ayaa wajahay Nato,waana laga saari waayay Dhulkii Barafka,waxaana muuqatay 10-Sano oo danbe in uu diyaar uyahay in uu sii dagaalamo.

Yurub,waa khasaartay?

Waxay ku Xisaabtamaysay Sadex arimood in dagaalka Ukrain uu gaarsiiyo Putin….

B.Burbur dhaqaale,mana dhicin oo Dhaqaalihii Ruushku 4.7%,ayuu kobcay.

T.Go’doon Siyaasadeed,mana dhicin oo intii dagaalku socday Putin,waxa uu marti geliyay kulamo waa weyn,isagoo muujiyay saamayn Diblomaasiyadeed oo sare.

J.Hubka Nato in lagu jabiyo oo uusan gelin Ukrain,mana dhicin oo adkaysi,ayuu muujiyay,wuxuuna qabsaday 20% Dhulkii Ukrain.

Trump Caqli saliim ah,ayuu ku maamulay dagaalkan,waa ka leexday taladii Yurub,waxa uuna arkay dagaalkan in uu iska soconayo oo Ruushka aan laga adkaanayn,waxa baxayana uu yahay Dhaqaalihiisa.

Putin,wuxuu ku khasbay in uu yimaado Miiska wada xaajoodka,Yurubna dhaguhuu ka furaystay,Ukrain,waa amray,isla markaana dhaqaalihii kaga baxay dagaalka,wuxuu kusoo ceshanayaa heshiiska Macdanta,kadibna Ukrain dib udhiskeeda,ayaa loo Qaaraamayaa.

Maraykanku ma rabo dagaal aan ahayn Shiinaha in uu galo.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading