Dagaalkii Dhuusamareeb oo dib ubilowday

Dagaalku goor dhaweyd,ayuu dib ubilawday isagoo kulul.

Madaxweyne Shaakir iyo Ciidankiisii waxay joogaan fariisimahoodii,iyagoo awood leh.

Maleeshiyada Villa ayaan-daran qaarkood way diideen Dagaalka, gaar ahaan Taliye Mascuud oo ah Saraakiishii ESWJ ee ku biiray dowladda kal hore. wuxuuna sheegay Dhuusa-Mareeb in ay dadkiisa ku nool yihiin, arrintaas kalsooni Darro ayay ka abuurtay Villada.

Dhinaca Guriceel, dhammaan ESWJ way isaga baxeen waxayna isagu tageen meel la yiraahdo Balli-Gaduud oo 20-KM Galbeed kaga beegan Guriceel oo ay isku soo abaabulayaan.

Qoor -Qoor Ciidanka AMISOM ee Dowladda Jabuuti ayuu la joogaa.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading