Danmark oo dib uga noqotay go’aankii kala laabashada sharciyada Somalida ku nool dalkeeda

Dowlada Denmarka ayaa soo saartay go’aan ay uga laabtay qoysas Soomaalida dalkaas ku nool ka mid ah oo horey sheegtay inay kala noqotay sharciyada isla markaaa dalkoodi dib loogu celin doono.

Wargeyska Politiken ee ka soo baxa dalkaasi oo arimahan wax ka qoray ayaa sheegay in qoysas badan oo Soomaali ah horeyna looga ceshtay sharcigga haatan dib looga laabtay go’aankaas ka dib markii ay dhaleeceyn kala kulantay hey’addaha u dooda xaquuqda aadanaha iyo qaxootiga dalkaasi.

Hey’adahan ayaa sheegay in qoysaskan oo Soomaaliya lagu celiyaa ay ka iman karto xaalad qatar ah oo soo wajahda carruuraha ku dhashay Denmark.

Dhinaca kale, waxaa jira qoysas kale oo soomaali ah oo iyagana ka mid ah sideed boqol ee la sheegay in qiimeyn lagu sameyn doono kiisaskooda, kuwaasoo weli sugaya jawaabo la xirriira sida arrinkooda laga yeelayo, waxaana ay cabasho ka muujiyeen talaabadda dowladda oo ay arkaan mid ka baxsan xaquuqda aadanaha.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading