Wasiirka Arimaha Dibada Danmark oo ka falceliyay hadalkii Trump ee uu markale ku muujiyay sida Maraykanku urabo Greenland.
Wasiirka Arimaha Dibada Danmark oo ku dhawaad 10-Sano soo noqday Ra’isalwasaaraha Wadanka iyo Trump,waxay ka midaysnaayeen in Dookha ay leeyihiin Dadka reer Greenland.
Maamulka Trump,waxay u arkaan Greenland goob muhiim ah Amniga Caalamka oo ay ubaahan yihiin,waxayna ka rabaan Sadex arimood oo kala ah…..
1.In Greenland ka go’do Danmark.
2.In Greenland Marakaynka ku biirto.
3.In Danmark laga helo tanaasul dheeriya.
Greenland 1948-dii,ayaa Danmark kula gashay heshiis Maraykanka oo Saldhig Milleteri siisay.
Greenland,waa Jasiirad leh Maamul ugaar ah oo awood badan,balse qayb ka ah Boqortooyada Danmark.
Dadka Greenland,waa ilaa 56-kun oo Qof,waa Dhul Macdan iyo Shidaal leh oo Barafku uusan ka kicin.
Dhawaan Doorasho,ayaa ka dhacaysa Greenland,taasoo ay ku xaqiijinayaan mustaqbalkooda.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.