Daraasiin Dad ah oo ku Naf waayay Dabka ka kacay Kuweyt

Ugu yaraan 49-Qof,ayaa ku dhintay dalka Kuwait, goor dambe oo Arbacadii ah, kadib markii uu dab ka kacay dhismo ay degganaayeen shaqaale ajnabi ah, iyada oo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Kuwait ku eedeeyay milkiilayaasha hantida maguurtada ah inay geysteen xadgudubyo ay ku yimaadaan dhacdooyinkan oo kale.

Dowlada Kuwait ayaan si degdeg ah u shaacin dalalka ay u dhasheen dadka dhintay.

Safiirka India ee dalkaasi ayaa booqday isbitaallada lagu dabiibayo shaqaalaha ku dhaawacmay dabka.

Mid ka mid ah isbitaal, ayaa la dhigay in ka badan 30 muwaadin oo Hindi, sida ay safaaradda India ku qortay baraha bulshada.

Isagoo goobta dabku ka dhcay booqanaya, ayuu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Kuwait Sheekh Fahad Yuusuf Sacuud Al-Sabaax waxa uu yiri ” damaca mulkiilayaasha hantida ma-guurtada ah waa waxa keenaya arrimahan”.

 

Reuters.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading